War deg deg ah: Agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso oo goor dhow la dilay

Waxaa goor dhow lagu toogtay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari agaasmihii xarunta madaxtooyada Puntland ee magaaladaas.

Waxaa goor dhow lagu toogtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari agaasimihii xarunta madaxtooyada Puntland ee magaaladaas.

Agaasimaha la dilay oo la oran jiray Aadan Gaas ayaa waxaa toogtay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday xilli uu fadhiyey Hotel Huruuse sida wararku sheegayaan.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in agaasime Aadan Gaas uu markiiba ku geeriyooday goobta lagu dilay, iyadoo kooxihii weerarkan geystayna ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa la soo sheegayaa iney goobta gaareen kana bilaabeen howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii magaaladda Boosaaso rag hubaysani ku dileen taliye ku-xigeenka Booliiska Puntland, waxaana dilka agaasime Gaas uu noqonayaa kii labaad ee todobaad gudihiis Boosaaso loogu geysto masuul ka tirsan Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *