Jubbaland oo dalbatay in loo xaqiijiyo waxa xumeeyay xiriirkii Somalila iyo Kenya?

Madaxweyne ku–xigeenka dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayad Aadan oo ka hadlay xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ugu baaqay dowaldda federaalka inay cadayso halka dhibtu ka jirto.

Wuxuu sheegay in 30kii sanno ee u dambeeyay uu xiriir joogta oo wanaagsan uu ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya

‘’Dabcan waad ogtihiin 30kii sano ee ugu danbeeyay Annaga iyo Kenya waxaa naga dhaxeeyay iskaashi Amni, iyo xiriir wanaagsan, wixii kalifay in uu xiriirkaa xumaado waxaan rabnaa in ay dowladda Soomaaliyeed cadeyso, ‘’ ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Milateriga Kenya oo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Amisom ayaa ka howlgala inta badan gobolka Jubbada dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Ciidamadan ayaa ilaaliya garoonka iyo dekeda magaaladda Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *