Shir Xasaasi ah oo laga yeeshay saameynta dhaqaale Covid-19 ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka joogtada ah ee guddiga qaran ee xakameynta Coronavirus, kaas oo looga hadlay saameynta uu cudurka ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo xubnaha guddiga loo saaray Covid-19.

Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa lagu falanqeeyay saameynta dhaqaale ee Coronavirus iyo tillaabooyinka lagu xakameynayo ay ku yeesheen shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada guud ahaan dalka.

“Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa looga Saameynta dhaqaale ee safmarka feyruska karoona iyo tillaabooyinka lagu xakameynayo ay ku yeesheen shirkadaha ka shaqeeya duullimaadyadka dalka.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Khayre.Ugu damgeyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaanay guddiga shaqada ay shacbka Soomaaliyeed u hayaan, isagoo ku boggaadiyay in ay sii laba laabaan wacyigelinta si cudurka Karoona looga hortago dhibaatada uu bulshada ku hayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *