Codsi iyo hambalyo ku socota dawlada soomaaliya

Ciid wanaagsan  dhamaan umadda islaamka ah gaar ahaan umadda soomaaliyeed, waxaa dhowaan dawladda somaliya ay soo gaarsiisay gobolada Sanaag iyo Cayn  labo diyaaradood oo  siday qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin, gloves ka gacmaha la gashado, mask ga face ka lagu xidho,  iyo agab kale oo lagaga hortago cudurka dilaaga ah ee covid 19 ka. Diyaaradihii waxay usoo gaareen goboladaasi sidii ay ugu tala gashay dawladda somaliya iyadoo ay aad ugu mahadnaqeen uguna riyaaqeen dadka shacabka ahi dawladda soomaliya wada shaqaynta cusub ee ay la bilawday dadka degan goboladaasi sool, sanaag,cayn ,highland iyo qaybo kamida togdheer oo ah runtii gobolada ugu balaadhan waqooyi bari soomaaliya loona yaqaano goboladda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay sidoo kale  dadka dega goboladaasi Waqooyi Bari Soomaaliya  ay ugu  baaqayaan dawladda Soomaaliya inay la sii wado wada shaqayntaasi u bilaabatay dadka reer waqooyi bari soomaaliya iyo dawladooda dhexe ee soomaaliya waxay dadka reer waqooyi bari soomaaliya ay  ka codsanayaan dawladooda soomaaliya inay sidaa si lamida ay si toos ah ugala  shaqayso arimaha ay ka midka yihiin doorashada xubnaha  xildhibaanadda dawladda dhexe u meteli doona goboladaasi waqooyi bari soomaaliya iyagoo dawladda dhexe ka dalbaday inaan maamul goboleedyadda hada jira aan lagala tashan doorashada sanadka soo socda ee  2021 ka dhici doonta dalka soomaaliya sidoo kale  saamayna aysan sinaba ugu yeelan maamul goboleedyadu  xubnaha umeteli doona dawlada dhexe dadka reer waqooyi bari soomaaliya inta ay ka helayaan dadka reer waqooyi bari soomaaliya maamul goboleed iyaga ugaar ah oo sida gobolada kale ee dalka maamul goboleedyada ka jira lamida sida uu qabo dastuurka dawladda federaalka soomaaliya oo ogolaanaya in 2.5 labo gobol iyo bar wixii gaara ay gooni usamay san karaan maamul ugaara oo ka shaqeeya danaha deegaanka reer waqooyi bari soomaaliya sidaa daraadeed waxay markale dadka reer waqooyi bari soomaaliya ay dawladooda sharafta leh ka codsanayaan in lagala shaqeeyo oo loo fududeeyo sidii ay ku gaari lahaayeen inay aayahooda ka tashadaan dadka reer waqooyi bari soomaaliya oo ay ugaari lahaayeen hadaf kooda oo ah inay yeeshaan maamul goboleed u gaar ah. Waxaa xusid mudan oo dadka reer waqooyi bari ee sool sanaag , highland, cayn iyo togdheer  degan ay walaac fara badan ka muujinayaan lacagta deeqda loo siiyoo soomaaliya qayb ahaana ay u leeyihiin dadka reer waqooyi bari soomaaliya  in lagu cuno Garoowe iyo Hargeisa oo loo kala qaybiyo taas oo ay dadka goboladaasi waqooyi bari soomaaliya degaa ay aad iyo aad uga kacsan yihiin ugana caraysan yihiin in deeqdii loogu tala galay goboladaasi si xisaab la aan ah loogu tasarufto Garoowe iyo Hargeisa oo aan hal baysteen oo lacagtaasi ka mida aysan ka soo gaarin dadkii loogu tala galay lacagtaasi ee dega goboladda waqooyi bari soomaaliya.   waxay mar kale  si niyad sami iyo kal gacal leh usoo dhoweynayaan dawladda soomaaliya inay sii wadato waajibaadka kaga aadan dadka reer waqooyi bari ee mudada sodon ka sanno iyo kabadan ba sugayay inay maalin uun helaan dawlad soomaaliyeed oo xuquuqdooda ay ku leeyihiin dawladda soomaaliya iyo guud ahaan ba deeqaha caalamka laga helo inta kaga aadan gobolada waqooyi bari soomaaliya in  si gaar ah dawladda dhexe ugaarsiiso una soo dedejiso in maamul loo sameeyo goboladaasi  waqooyi bari soomaaliya si lamida sidii ay usoo gaarsiiyeen daawooyinkii shalay diyaaradaha ay ku keeneen,   iminka waxaa u muuqata inay heleen dadka reer waqooyi bari soomaaliya dawladdii ay inbadan sugayeen waxayna u rajaynaysaa inay guulaysato wabilaahi towfiiq

Xuquuqda qoraalka

 Diplomat Cawad

Waqooyi Bari Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *