Kulan ay Gaalkacyo Ku Yeesheen Maamulada Galmudug iyo Puntland iyo war-murtiyeed laga soo saaray

Kulankii u horreyay oo gaar ah ayaa waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ku yeeshay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxaa ku wehlinayay Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada maamul.
War-murtiyeed laga soo saaray shirka oo ka dhacay xarunta madaxtooyadda ee ku taalla bartamaha Gaalkacyo ayaa lagu sheegay inay labada dhinac isku raaceen wada-shaqeyn dhinac walba leh iyo xoojinta nabadgalyadda gobolka.
Hoggaamiyeyaasha ayaa isla soo qaadeen shaqaqadii u danbeysay ee ka dhacday meel duleedka ka ah magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaallameen laba maleeshiyo beeleed, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, halka shan kale ay ku dhawacantay, waxeyna ammaaneen dadaallada nabadda ee ay Odayaasha dhaqanka  wadaan.
Warmurtiyeedka oo siddeed qodob ka koobnaa ayaa waxaa ay  uga soo horjeesteen sharciyada Batroolka, Doorashooyinka iyo Canshuuraha ee ay gacanta ku hayaan dowladda Soomaaliya, iyagoo sheegay ineysan aqbali doonin inta wada tashiyo guud laga sameynayo.
Hoos ka akhri warmurtiyeedka:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *