Deg-deg:- Khasaaraha dagaalkii maanta ee Damalaxagarre, Sanaag

May 21, 2019 (Laasqoray Online)– Wararka naga soo gaadhay Degmada Damalaxagarre ee Gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in halkaa maanta dagaal ku dhex maray ciidammo ka soo duuley Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugan degaanka.

Khasaaraha ayaa ayaa gaadhaya illaa 8 dhimasho ah iyo dhawr dhaawac ah. Ciidammada Somaliland ayaa lagu jebiyey dagaalka, waxana laga diley 6 askari, halka ciidammada Puntland ay ka dhinteen 2 askari laba kalena dhaawac lagu qaaday.

Wararku waxay intaa ku darayaan, in ciidammada Somaliland ay ka koobnaayeen kuwa beesha dhexe iyo malayshiyo Reer Sool ah oo la soo qalday, kuwaasoo dhimashadu u badnayd dhankooda.

Bishii Maarso 10-keedii ayay ahayd markii Ciidammada Somaliland ee ka amar qaata Hargeysa ay soo galeen Degamada Yubbe ee Gobolka Sanaag, halkaasoo aan wax khasaare ahi ka dhicin, walow ciidammada duullaanka ahi dhexdooda wax iska laayeen. Ciidammada Puntland ayaa ku hor fadhiya meel aan saa uga fogeyn Degamada Ceerigaabo, ee isla Sanaag.

Wixii ka soo kordha wararka kala soco Lasqoray Online.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *