Siilaanyo iyo Galaydh maxay kula iibsadeen Addisababa

November 02,2016 (LaasqorayOnline)- Kulan qarsoodi ah ayaa ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha Khaatumo, Dr. Cali Khaliif Galaydh. Kulankan ayaa sidaad ka dhegeysan doontid fiidyowyada hoose, daarranaa in bishan November 17-keeda shirkii wada xaajoodka ama isku biiridda labada dhinac ka qabsoomi doono Addisababa markale.

Dr. Galaydh ayaa hoggaamiya garab ka mida garabyada Khaatumo, waxana kuyimid fashil siyaasadeed kadib markuu mawqifkiisii dhabta ah oo ah kala goynta dalka inuu kala shaqaynayey Somaliland mudda badan, ayaa soo shaac baxay. Cali Khaliif Glaydh ayaa saxeexe ka ahaa shirkii Burco 1991-kii, wuxuna ka mid ahaa koox ku andacootey inay u saxeexeen documentiga xaaraanta ahaa ee dalka lagu kala geynayey, baqdin awgeed. Wuxu sannaddii 1993-kii, shirkii Borama u orday madaxweyne kuxigeen waase laga helay. Marka lagu daro wada xaajoodka salfudaydka ah ee uu la bilaabay goonni u goosatada Somaliland, waxa si mug leh u soo baxday midabka dhabta ah ee Cali Khaliif Dabayl.

Guud ahaan dadka ka soo jeeda gobollada Sanaag, Sool, Haylaan, iyo Cayn ayaa iyagu ahaa boqolkii 99% kuwa ka soo horjeeda in midnimada Soomaaliya la wiiqo. Waa sababta keentay in beesha caalamku riyo waxba kama jiraan ah uga soo qaadeen hanka habaabay ee kooxda SNM ku doonayeen inay kala jaraan dal weynaha Soomaaliyeed.

Source: Laasqoray Online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *