Maamulka Puntland oo Maanta soo Gaba-gabeysay Doorashadii Xildhibaannada Aqalka Hoose

Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Puntland, ayaa Maanta soo gunaanaday Dorashadii Xubnihii ugu dambeeyay ee Aqalka Hoose oo Doorashadoodu ay shalay Dib uga billaabatay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.
Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Puntland, ayaa sheegay in Hal Ruux oo Keliya uu ka maqan yahay 37-dii Xildhibaan ee la doonayay in Puntland laga soo Doorto, Waxaana Xubinta Maqan lagu sheegay in Beesha Xasan Ugaas ee Goballada Sool iyo Nuugal ay leeyihiin.
Haddaba AKHRISO; Magacyada Xildhibaannada Doorashadii Maanta kusoo baxay.
1. Canab Xasan Cumar – Beesha Jaamac Siyaad (Dhul-bahante)
2. Axmed Ismaaciil Shabeel – Beesha Khaalid (Dhul-bahante)
3. Axmed Maxamed Axmed (Dubays) – Beesha Nuur Axmed (Dhulbahante)
4. Deeqo Siciid Xasan – Beesha Is xul (Cismaan Maxamuud).
Magacyada Xildhibaannadii shalay la Doortay;
1. Saadiq Warfaa – Beesha Leelkase
2. Sharmaake Garaad Saleebaan – Beesha Dhulbahante
3. Maxamed Cabdullaahi – Beesha Warsan-gali
4. Sacdiya Salaad Samatar – Beesha Carab-Saalax
5. Xaawo Yuusuf Axmed – Beesha Cumar Maxamuud
6. Maxamed Axmed Ciise – Beesha Cusmaan Maxamuud
7. Daahir Maxamed Muuse – Beesha Leelkase
8. Cabdirashiid Maxmaed Gaboobe – Beesha Leelkase
9. Maxamed Cabdikaafi Maxamed – Beesha Carab Saalax
10. Cabdullaahi Bidhaan Warsame – Beesha Dhulbahante
11. Saleebaan Axmed Xaashi – Beesha Cumar Maxamuud.
Ugu dambeyn, Soddon iyo Lixda xilldhibaan ee lagu doortay Puntland ayaa filyaa inay u duulaan Muuqdisho Maalinka Jimcaha ah, si ay ugu qayb-galaan dhaarinta iyo kulan ugu horreeya Xubnaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya, kuwaaso dhawaan soo dooranaya Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddibna Madaxeynaha cusub ee Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *