Khariidadda Cali Khaliif iyo kooxdiisa Khaatumo- fallaago sawirteen maxay daarran tahay? La yaabye ma Maakhirbaa idin haysata mise Somaliland?

Maxamuud Axmed
October 24, 2016

maabka-cali

Dhawr mar oo aan isha ku dhuftay muuqaallo Youtube la soo geliyey, Madaxweynaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ka khudbaynayo, ayaad waxad arkaysaa maab/khariidad dhabarkiisa ka muuqata oo Khaatumo State oo cagaar ah lagu muujiyey. Maabkan oo qoraalkan ku lifaaqan una muuqda mid xataa ummadda meesha ku shirsan ee Cali dhegeysataa inaanay waxba ka qabin qaladka ka muuqda, ayaa waxa la dhex mariyey magaalada Badhan dhanka waqooyi, dhanka bari xadka gobolka Bari iyo Sanaag dhankaa bari loo weydaariyey, dhanka badda Laasqoray, Waqdariya, Laasasurad, Geelweyta kor loo dhaafiyey, dhanka galbeed Ceelafweyn la dhex mariyey iyo Beer oo Burco u dhow, dhanka koonfureedna xaggan iyo xadka Itoobiya. Waxa la yaab leh, malaha Cali iyo dadka meesha fadhiyaa illeyn bad wax kama yaqaanaane, waxay ku muujiyeen maabkan in Laasqoray ku taallo dhulka gudaha. Arrintan baa huwan meelkadhac, aqoon xumo iyo jahawareer siyaasadeed, oo hoosta ka sii xarriiqaya in Cali iyo kooxdiisu hadafkoodu isugu soo ururay, “sokeeyaha way, cadaawuhu war.” Waa gef iyo been ka sheeg la rabo in colaad lagaga dhex abuuro dadka walaalaha ah ee “Harti Waqooyi,” maadaaba Cali ku werdiyo habeen iyo dharaar, “war hargeysa waa tegeynaa, waa jirtaa…iwm.” Arrintaa ayaa muujinaysa in odagu siduu dhulkii beeshiisa uu faraha ugu geliyey SNM, inuu beesha Maakhir dhulkeedana qaar farta kusii fiiqfiiqo. Maxaa haddaba sababay in Cali iyo inta la mabda’ ah ay ku dhabowdo hadalkii ina Gaas ku jaa’ifeeyey ee ahaa “Stolkholm Syndrom” ama mariilka Stolkholm ee dadkii Hitler (Silanyo u taagan hadda) qabsaday ee reer Sweden qaar ka mid ihi gumaysigii iyo dullinnimadii kolkay ka badatay ay jeclaadeen oo ku biireen kuwii jidhdilka, ciqaabta, xumaanta iyo wax ka sii daran u geysanayey. Maxaa Cali u sheegan waayey Burco iyo Sheekh iyo Berbera? Oo u sheeganayaa dhulka saldanadda Maakhir ee buugaagta adduunkoo dhan ku daabacan?

Haddaynu hoos u eegno walaalayaal, arrintani maaha arrin labada beelood ee walaalaha dhextaal, ee waa arrin lagu sii durkinayo hadafyada SNM ee Cali Khaliif ka mid yahay wakiillada ugu waaweyn. Sid aan xasuusanno, taniyo markii Cali Khaliif noqday Madaxweynaha Maamulkii saddex madaxlaha ahaa ee Taleex lagu yagleelay 2012-2013kii, illaa iyo intuu xilkaa qabtay:

  1. califuleyWuxu Hargeysa u gacan geliyey 80% dhulkii beeshiisa isagoo weliba 20 goobood sida taariikhda ku xusan mid walba kolkii lagu soo dhowaa iskaga cararay, sida farshaxan Amin Arts ku muujiyey sawir in badan ka qosliyey.
  2. Magaalooyinka aan Somaliland haysan Cali Khaliif ka hor waxa ka mida: Xuddun, Saaxdheer, Tukaraq, Awrboogays, Taleex, Fiqifuliye, Dabtaag, Higlada, Widhwidh, Xamar-lagu-Xidh, Horufadhi, Kalabaydh, iyo kuwo kale oo fara badan.
  3. Intaa goobood oo Cali Khaliif u banneeyey cadawgiisa, waxa ku go’ayey doorkii beeshiisa, qax iyo barakac, xadhig iyo ciqaab ayaa lagula kacayey dadka loo hoosaasinayey cadowga ma arxamaha, ciilqabaha ah ee Somaliland.
  4. Waxa caado u ahayd inuu marwalba dadka ku marin habaabiyo “annagu Hargeysa uma soconno, taasoo isugu soo biya shubatay, “…war Hargeysa waa tegeynaa.
  5. Muddadaa kala furfurka iyo kala qaybinta iyo gacan gelinta dhulka Cali ku mashquulsanaa, waxay kala furteen aqoonyahankii, waxgaradkii, cuqaashii iyo dhammaan intii beeshiisa indhaha u ahayd marka laga reebo dhawr shakhsi.
  6. Cali waxa kale oo lagu bartay colaad saa’id ah oo uu u qabo maamulka Puntland iyo beesha beeshiisa la walaala ee deriska la ah, weliba isagoo xidid la ah beeshaas ayuu noqday nin ku heerya cunay oo aflagaaddo iyo hadidaad isugu daray.
  7. Mudda aan fogeyn markii ay soo shaac baxday in Cali Khaliif u xuubsiibtey hadafkii SNM isagoo ka dhabaynaya wacadkii uu hore u saxeexay ee SNM heshiiska kula galay Burco 1991-kii, uuna kula shiray SNM magaalada Caynaba si dhuumaalaysi ah, laakiin saxaafaddu fashilisay, waxa Cali halkaa kaga dareeray intii waxgarad ka soo hadhay beeshiisii uu ka dhigay huf iyo hal aan jirin.
  8. Khudbad uu Cali Youtube isla soo taagey ayuu wuxu ku sheegay in xeryahay qaxootiga ee Itoobiya iyo Kenya dadka ugu badan ee ku jiraa inay yihiin beeshiisa, arrintaa urugada iyo xanuunka badan oo ay u markhaanti kacday odhaahdiisii “maantaba gun cad…”
  9. Muddo laba sanadood iyo ka badan dedaal beelaha Harti Waqooyi, siiba siyaasiyiintoodu ku abaabuleen magaalada Nairobi, kulammadaas oo beesha caalamku dabada ka riixaysey, si maamul wada jira loogu abuuro ummaddaa walaalaha ah, Cali Khaliif kolkii Nairobi lagu soo casuumay, wuxu fadqalallo iyo iska horkeen ka dhex abuuray guddiyadii shirarkaa ku hawlanaa maamul dhiska ah.
  10. Kolkii maamulka Waqooyi Bari lagaga dhawaaqay Nairobi May 15, 2016, Cali Khaliif waa ka soo horjeestay, walow ay khilaaf ka dhex abuurtay maamulka uu cunaha kaga duubnaa, waxa bogaadin u diray wasiir ku xigeen maamulka Khaatumo ah oo ku gacan saydhay aragti gaabnida Cali Khaliif.

Haddaba marka laga soo tago siyaasadaha fashilka ah ee oday Cali Khaliif Galaydh looga bartay, khariidadda uu ku sheeganyo 90% ee dhulka reer Maakhir, waxa lagu suurayn karaa marka hore ‘waalli’ aan biya ismarin, iyo iska horkeenid iyo cadaawad abuurid. Waxan maqli jirey, “doqoni toban indhood bay leedahay 9 ka mida sokeeyahay iskaga eegtaa…” Maxaa Cali ugu sheegan waayey cadowga dhulkiisa ka fara maroojiyey, walow isagu kala shaqaynayey arrintaa, oo ku kallifay in dad walaala ah oo aan weligood xumaani dhex marin, isugu xoqo.

Waxan qabaa, Cali Khaliif in maalmihiisii gabaabsi sii yihiin oo uu noqday haad geed waayey, waxana kallifaya inuu waxaasoo kale ku kaco waxay daarran tahay, inuu dadka jeediyo oo ku mashquuliyo khariidado beena iyo shirar ballanqaadkoodu dhab ka fog yihiin. Waxa kaloo xusid mudan, in taageeradii maamulkiisa xadka miciinka bidey, ay sii dhammaanayso, taasoo ay markhaanti ka tahay aflagaadadii uu u geystey dadka reer Ballicad, ka dib markii uu iyagoo geedkii uu go’doonka ku ahaa ku soo booqday, ugu maahmaahay aflagaadddo aanay geyin.

Waxan qormadan ku soo afmeerayaa tix gabaya oo aan isleeyahay Cali Khafiif waano iyo tusaaleba ugu filan:

Wuxu yiri:
Caloow maabka aad soo dhigtiyo mala awaalkaaga
Dhulka Maakhireed sheegatiyo maatanimadaada
Labadaasi noo muuqdo oo waa muraad cadawe
Markaddii Taleex iyo halkuu mudanahaa yaalley
Xuddun iyo magaalada Widhwidha magane Saaxdheerba
Waataad mardabadaha dhigtoo lays mohoobiyaye
Waatuu muquunsaday Isaaq midigta saareene
Dabagale mushaaxbuu ku maray maandhow Kalabaydhe
Waataad halkuu soo maraba uga maqnaydeene
Maantana macruuf baannu noqon maanku garan waaye
Malab iyo hadday kuu yihiin mahurto Iiddoorku
Dadkaagii Mandheera iyo iil laguma mooseene
Nin majnuuna waa lagu yiqiin marin habowgaase
Maxaa Maakhir kaa soo galood maabab ugu jeexan?

WB. Tawfiiq
Maxamud Axmed
Emai: shaqo1276@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *