Gaari ay la socdeen ciidammada Puntland oo miino kula qaraxday buuraleyda Galgala

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen ciidammada badda dowlad gobolleedka Puntland,qarax miino lagula eegtay buuraha Galagal.

Qaraxa miino ee gaariga lagu weeraray ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah ciidammadii saarnaa gaariga.

Dadka indha indheeya wararka xaqiiqda ku salaysan ayaa aamminsan in maammulka Puntland si ulakac ah horay ugu abuuray argagixisada buuraha barakaysan ee Galgala, si ay maal iyo lacag ugu helaan mashruuca argagixisada. Waxa xusid mudan argagixisada Puntland waxa hoggaamiya Sheekh C/Qaaddir Muumin iyo nin kale oo Aadan Maxamed Cali Gaas la yiraahdo, labaduba waa qabiilka Madaxweyne Gaas, oo mid yahay qoyskiisa hoose.

Dhowaan ayay ahayd markii ururka ISIS qolo taabacsan sheegteen inay Qandala qabsadeen. Kooxdan waa kooxdii Buuraha Galgala lagu sheegi jirey. Su’aashu waa siday ugu suura gashay in 500km u sii durkaan dhinaca Boosaaso ka bariyaysa?

Lasqoray.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *