DHAGEYSO: Ugaasyada Beelaha Ceyr iyo Xawaadle oo hadalo kulul isweydaarsaday…

ugaas_xasan_ugaas_khaliif_shirweyne_dib_u_heshiisiineed_660

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa eedeyn u jeediyay Ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed isagoo sheegay inuu xiriir dhex maray, kula hadlay ereyo aan habooneyn.

Labada Ugaas oo beelahooda ay ku dagaalamayaan xuduudka labada Gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud ayaa looga fadhiyay inay xal u helaan oo dhex galaan colaadda dhiigga badan ku daatay ee ka taagan degaano ka tirsan degmada Matabbaan.

“Ugaas Xasan wuxuu igu yiri ciidankeyga difaac ayay ku jiraan ee bisha Ramadaan kadib aan ka dhigno..” ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo magaalada Beledweyne kula hadlay saxafiyinta.

Hadalka ka soo yeeray Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa ah mid ku cusub dhaqanka odayaasha iyadoo nabadoonada aanay caadiyan adeegsan warbaahinta, waxaase muuqata in Ugaaska uu tallaabo cusub qaatay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *