Ciidamada Badda Puntland oo xalay weeraray Saldhiga kooxda Daacish ee magaalda Qandala

Wararka ka imaanaya Deegaanada Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada Badda Puntland xalay weerar Duqeyn ah ku qaadeen Deegaanka Qandala oo fariisin ay ku leehiyiin Ururka Daacish.
Ciidamada Badda Maamulka Puntland oo wata Doomo ay Dhanka Xeebta ayaa ka soo duqeeyay Magaalada Qandala, lamana oga khasaaraha ay gaysteen duqamaha iyo Madaafiicda ay soo tuureen ciidamada badda Puntland..
Dhanka kale Ciidamada maamulka Puntland ayaa iyaguna Jooga Meel u muuqta magaalada Qandala sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo magaaladaasi ay bishii hore la wareegeen Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo uu Hogaamiyo Wadaadka lagu Magacaabo C/qaadir Muumin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *