Camey iyo Xaashi oo 1st July Gaas la dabaal degey, 26-ka June oo Garowe laga mamnuucay

labanacas
Munaasabadda 1-da Luuliyo 57- guuradeedii ayaa loogu dabbaal degey caasimadda maammulka Puntland. Munaasabadda ayaa waxa ka soo muuqday C/Weli Gaas oo ay calamo yaryar la ag fadhiyaan Madaxweyne Kuxigeenka P/land Cabdixakiin Camey iyo Af-hayeenka Baarlammaanka Axmed Cali Xaashi.

Madaxweyne Gaas ayaa diidey in munaasabadda 26-ka June oo ah maalintii Gobollada Waqooyi oo Camey iyo Xaashi ka soo jeedaan xorriyad ka qaaateen gumeytihii Ingriiska, laga xuso caasimadda Garoowe ee P/Land. Halka C/Xakiin iyo Xaashi lagu amray inay 1-da July oo ah maalintii gobollada Koonfureed ee Soomaaliya Talyaaniga xorriyad ka qaateen, laguna sheego in labada garab midoobeen.

Labadan shakhsi ayaa deegaannada ay ka soo jeedaan looga yaqaan calooshooda u shaqaystayaal, kuwaasoo looga yaqaan Garoowe 2nd class citizens.

Waa ayaan darro in dadka reer Sanaag iyo Sool noqdaan kuwo manaaficaad lagu qaato magacoodana loo isticmaalo in adduuna lacag looga qaato. Halka degaannadaas oo cunaqabatayni saaran tahay ka dib markay isu kaashadeen maammulka goonni u goosadka Somaliland iyo Puntland oo heshiis wada jira kula dagaallama jiritaana iyo horumara gobolladaas.

Dawladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda dedaallo maammul loogu dhisayo gobollada Sanaag iyo Sool. Tan ayaa horseedi doonta marka waagu ku beryi doono Camey iyo Xaashi jeeggooduna istaagi doono.

Axmed Cali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *