Boqortooyada u da’ weyn geyiga Soomaaliyeed ee Maakhir

Taariikhda Soomaalida waxay leedahay mid hore iyo mid laga daba keenay. Sida la ogyahay boqortooyooyinkii geyiga Soomaaliyeed ugu horreeyey waxa ka mid ahaa Ajuuraan, Maakhir iyo Gelledi.

Saldanadahaas aan kor ku sheegnay waxa ka nool Saldanadda Maakhir oo Suldaan Siciid maanta u arrimiyo. Waxa sida dhadhaabaha taariikhda aan ka soo xigannay, saldanadda Majeerteeniyo oo ku sinnayd qarnigii 18-aad ayaa waxay sheegataa inay tahay boqortooyo ka fac weyn sida xaqiiqdeedu ku suuraysan tahay.

Waayahaa geyiga Soomaaliyeed boqortooyooyinku ka hana qaadeen, hubaal dadku intaa waa ka yaraa, waana isaga dhowaa. Arrinta ah in Boqor Daarood Boqor Burhaan yahay taariikhda ma waafaqsana sababtuna waxay tahay shirka Majeerteen iyo Warsangeli waxa had iyo jeer fur Garaadka ama Suldaanka Warsangeli. Taasi waxay ka tarjumaysaa in Siciid Suldaan yahay Boqorka Daarood, kaasoo tirsada 28 fac oo isdhalay. Raad muuqda boqortooyo taxane ah mayalkana u haysay Beesha Reer Cabdiraxmaan iyo Soomaali guud ahaan muddo 13 qarni ku siman.

Boqortooyada Maakhir/Saldanadda Warsangeli waxay boqorradii xukumi jirey dagaallo ba’an oo dalka Soomaaliyeed lagu difaacayo la gashay Xabashida iyo Boortiqiiska. Suldaan Sacada Diin Al-Makhiri, Axmed Gurey iyo Xaqa-diin waxay ahaayeen boqorradii faraha badnaa ee ka hana qaaday Saldanaddii Maakhir ee ka soo farcantay IFAT iyo ADAL saladanadahoodii oo buugaagta qarbiga la yiraahdo Walashma Dynasty.

Boqortooyada markii Itoobiya qabsigeedii lagu guul darraystay, boqorradii Reer Maakhir siyaasaddii waxay ku beddeleen ganacsi fidiyey geyiga Soomaliyeed keenayna in Soomaalidu xejisato dhulkii ay hanteen muddooyinkii dagaallada ba’ani socdeen.

Xilliyadii Soomaalida gumaystayaasha Reer Yurub ku soo duuleen, Saldanadda Maakhir waxay si qarannimo ah heshiis ula galeen Maxmiyaddii Ingiriiska, halka qabaa’illada Soomaaliyeed odayaal u saxeexeen heshiisyadii ay la galeen gumaystayaasha. Kacdoonkii Daraawisheed ee Gumaystaha lagaga hortegayey, Saldanadda Maakhir waxay buddhig u ahayd halgankii Daraawiishta oo saldhigyo ku lahaa Taleex, Buurta Shimbiris, Badhan, Buuraan, Ceeri, Laasqoray iyo meelo kale oo badan oo qalcadihii Daraawiishta laga dhisay. Walow markii dambe khilaaf soo kala dhex galay Saldanaddii Maakhir iyo Sayidka, haddana sida taariikhdu xusayso, Daraawiish jabkeedii haddana waxay bilaabatay markii khilaaf soo kala dhex galay Saldanaddii Maakhir oo laf dhabar u ahaa kacaankii Daraawiishta. Taariikhda Daraawiishta ayaa kacaankii been ka sheegay iyadoo la yiri Soomaaliyi taariikh Daraawiish ka horreysey malahayn. Waxa loo aaneeyaa Maxamed Siyaad iyo intii ka ag dhowaa ayaa qortay taariikh marin habaaabisay taariikhdii dahabiga ahayd ee Soomaaliyeed.

Xilligii gobannimo doonka dadkii u badnaa ee adduunka macaammilka la lahaa dibadaha joogey, ilbaxa ahaa waxay u badnaayeen Reer Maakhir. Iyagoo la garab joogsaday halgankii SYL hiil iyo hoo. Taasina waxay horseedday in laba ka mida dhulalkii Soomaalida ee shanta loo qaybiyey inay xorriyad qaataan 1960-kii bishii June 26-keedii oo gobolladii Waqooyi gumaystihii Ingiriiska xorriyad ka qaateen iyo July 01 oo Koonfuri xorriyad ka qaadatay gumaystihii Talyaaniga.

La soco qaybta 2-aad

Lasqoray.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *