Beesha Warsangeli oo waraaq ku caddaysay mawqifkeeda iskhilaafka labada guddi ee khilaafaadka iyo guddiga kor eegtada

Mogadishu: November 04, 2016- Waraaq ay u direen siyaasiyiinta, odayaasha, aqoonyahanka iyo waxgaradka Beesha Warsangeli, ayaa loo diray Dawladda Fadaraalka, IGAD, AU, OIC, Arab League iyo xubnaha kale ee Beesha Caalamka. Waraaqda ayaa ku baaqaysa in codsigii beeshan iyo beelo kale oo fara badan oo Soomaaliyeed ku codsanayeen in dib loogu soo celiyo ergooyinka iyo dadka liiska aqalka hoose ee baarlammaanka Suldaan Siciid iyo Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Puntland, ay hore u qaddimeen, ayaa Guddoonka Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadaban ee 2016-ka, amar dib loogu eegayo ergooyinka iyo xubnahaa duruufaha lagu soo magcaabay, waxayna hore warbaahinta guddoonku ugu sheegeen inay ka baaraan degayaan, oo ay go’aan cad ka qaadanayaan arrimahaas horyaalla. Hase ahaatee Guddiga Doorashoonyinka oo ah guddiga kor ka eegtada ayaa arrintaas rabta inay ka hortimaaddo, iyadoo xubno ka tirsani quuldarraynayaan in qoysaskooda iyo saaxibbadood kuraasi ay u asdeeyeen oo liiskaa hore ku qornaa wax layska weydiin doono.

Haddaba beesha Warsangeli oo waraaqdan warbaahinta u akhriyey, iyadoo ay jiraan beelo fara badan oo Soomaaliyeed oo iyana qoraallo kale gudbiyeen, ayay ku codsadeen in Guddoonka Xallinta Khilaafadka hawshooda loo madax banneeyo sida Dastuuraka Fadaraalku qabo. Waraaqda ayaa afka English-ka ku qoran akhriso, tarjumaaddeedana naga sug iyadoo Soomaali ku qoran.

Duntan hoose guji saad waraaqada u akhrisato.

open-letter-request-to-consider-the-independent-dispute-commissions-proposal-for-the-selection-of-delegates
Source: Lasqoray.com/Laasqoray Online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *