Akhriso Xubnaha Ku Cusub Aqalka Sare ee Galmudug Beelaha ay ka soo Jeedaan iyo Xilalka Ay Soo Qabteen”

Waxaa maanta Cadaado ku soo gabagaboobay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baaralamaanka Soomaaliya kasoo galaya maamulka Galmudug oo ka koobnaa 8 xubnood.

Doorashada oo ahayd tii ugu horeysay ee ka dhacda Soomaaliya, waxay ku qabsoontay jawi degan oo Baarlamaanka Galmudug si hufan uga soo dhalaalay kaalintiisii, waxaana ku soo baxay 8 xildhibaan.

Hadaba waxaa halkan idinku soo gudbineyna magacyada xubnaha Aqalka sare ee Galmudug metalaya iyo beelaha ay ka soo jeedaan iyo kooxaha siyaasadeed ee ay taageersan yihiin:-

1- Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan H/gidir – Waa ganacsade raadraac saxafi leh, hore u soo noqday gacan-yarihii Madaxweyne Sheekh Shariif, wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Aala-sheekh.

2- Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid — Beesha Sacad H/gidir– Waa madaxweynihii hore ee Galmudug iyo hogaamiye kooxeed hore, wuxuu hore u soo noqday taliyihii hore ee Booliska Soomaaliya- taageero ahaan wuxuu taageersan yahay madaxweyne Xasan Sheekh, inkastoo aanu ka mid ahayd kooxda Damjadiid

3- Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) — Murusade – Waa xildhibaan hore iyo ganacsade siyaasadeed, wuxuu isbaheysi hoos kula jiraa madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo keentay inuu xilkan ku soo baxo.

4-Yuusuf Geelle Ugaas — Beesha Duduble – Waa xildhibaan hore, soona noqday wasiir ku xigeen dowladii KMG ahayd, haddana wuxuu gacan-saar la leeyahay Xasan Sheekh.

5- Zamzam Dahir Maxamuud — Beesha C/raxmaan Saleebaan Waceysle – Waa xubin ka tirsan xisbiga PDP ee Xasan Sheekh

6- Jawaahir Axmed Cilmi — Beesha Cayr H/gidir – Waxay ahayd xildhibaan ka tirsan federaalka oo gacan-saar la leh madaxweyne Xasan Sheekh.

7- C/waaxid Cilmi Goonjeex — Beesha Mareexaan. Waa siyaasi, soo noqday wasiir iyo kusime Ra’iisal wasaare, waana shaqi dhexdhexaad ah.

8- Abuukar Axmed Xaashi — Beesha Dir – Waa xubin ku cusub siyaasadda oo madax bannaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *