Akhriso: Magacyada 10-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose ee laga soo Doortay Puntland (SAWIRRO)

qoorsheelDoorashada Xubanaha Aqalka Hoose ee Puntland ka dhacday, ayaa lagu Doortay 10-xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhismihiisa lagu Hawlan yahay.
Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah Guddiga Doorashda Dadban ee Heer Federaal, ayaa sheegay in 10-ka xildhibaan ay yihiin Xildhibaannadii ugu horreeyay ee la doortay, isagoo intaas ku daray in markii la dhaariyo ay helayaan Xasaanadda Xubinnimada Baarlmaanka Cusub ee Federaalka.

AKHRISO: Magacyada 10-ka xubnood ee maanta la doortay iyo codadka ay heleen;

1. Cali Yuusuf Cali Xoosh – Wuxuu helay 49 cod
2. Axmed Ismaaciil Maxamed – Wuxuu helay 30 cod
3.Muuse Axmed Ismaaciil – Wuxuu helay 44 codNinkan macaciisa runta ah waa Siciid Daahir Ismaaciil Bootaan, waxa raadinaysa Dawladda Maraykanka oo uu dembi kasoo galay, sidaasuu u istimaalayaa magac bug ah, mana aha nin Warsangeli ah ee waa Ogayslabe qolo la degta Warsangeli.
4. Cumar Ismaaciil Waaberi – Wuxuu helay 28 cod
5. Maxamuud Xayir Ibraahim – Wuxuu helay 37 cod
6. C/rashiid Maxamuud Xasan – Wuxuu helay 27 cod.
7. C/naasir Siciid Muuse – Wuxuu helay 26 cod.
8. Daahir Xaaji Geelle Faarax – Wuxuu helay 46 cod
9. Daahir Cali Faarax – Wuxuu helay 42 cod
10. Cilmi Cumar Cilmi – Wuxuu helay 27 cod

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Puntland, Khaliif Ow-Cali ayaa sheegay in labada xubnood ee dhimman la dooranayo berri oo Axad ah, sida ugu dhaqso badanna ay ku Diyaarinayaan Ergada soo dooran doona 12 xubnood ee xiga kuwan maanta la doortay.

Doorashadan ayaa waxa debedda ka taagan reer Sanaag iyo Reer Haylaan, waxa layaab leh dadkan meesha lagu soo qoray waa kuwii la diiddanaa inay beelahaa baarlammaanka aqalka hoose u metaan. Waxa la soo werinayaa in laaluush iyo lacago lagu kala qaatay kuraasta baarlammaanka. Xaajiyo Sureer Abshir Haamaan oo u tartamaysey baarlammaanka kursiga Garoowe, ayaa shaacisay iyana inay ka noqotay tartankaa, ka dib markii sida ay sheegtay laaluush iyo musuqmaasuq in lagu marin habaabiyey doorashadii.

Lasqoray.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *