Dabaaldegga 26-ka June iyo 1-da Luuliyo oo gobollada Maakhir lagu qabtay

fb_img_1498607215474
Waxaa  malmihii    u danbayey  si weyn looga dareemayey  guud ahaanba  gobollada Maakhir  diyaar garowga iyo  u dabbaaaldegga munaasabadaha 260ka iyo  1-da Luulliyo, halkaas oo  isla habeenimadii laga xusay oo xaflado dabaaldeg ah oo lagu qabtay  qayba ka mid ah  Gobolladaa Maakhir.

Si aad ah  ayaa loogu xusay  taariikhdii waddanka iyo waxyaabihii kala duwanaa ee uu soo maray intii kadan baysay  xorriyadii 60-kii  oo hada laga joogo muda dhan 57  sano ku siman.

Waxaa siwayn loogu casuumay munaasabadahan  odayaaashii  deegaanka  ee tariikhda wax badan ka yaqaaney si ay  dhalinta   ugu jaahil bixiyaan  heerarkii kala  duwananaa ee halaganka gobannima doonku soo maray.

Waxay si dhiirri gelin ah ugu nuuxnuuxsadeen taariikhda dalkeenna si ay waxbadan uga ogadaan, waxana halkaas  looga duceeyey dhammaa  halgamayaashii Soomaaliyeed rag iyo dumarkaba lahaa ee waddankeenna wax u soo qabtay.

Lasqoray.com
Badhan News Desk
Mushtaq Abdirizak

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *