Dayax madoobaad ayaa caawa fiidnimadii laga dareemay Soomaaliya

Dayax madoobaad ayaa caawa fiidnimadii laga dareemay Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalla geeska Afrika.

Meelaha laga dareemay dayax madoobaadka ayaa waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo gees yar oo dayaxu ka madoobaaday.

Sidoo kale qeybo ka mid ah dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa laga soo sheegayaa in dayax madoobaadka laga dareemay.

Markii la arkay dayaxa oo gees ka madoobay ayaa masaajidada magaalada Muqdsho waxaa ka bilowday salaada loo yaqaano Salaatul Kusuuf oo Alle lagu weydiisanayo inuu Madoobaadka ka qaado dayaxa.

Sidoo kale dad fara badan oo isugu jir caruur iyo dhalinyaro ayaa bilaabay iney xaafadaha isugu baxaan iyagoo koox koox ah, waxayna ku dhawaaqayaan ereyo Alle bari ah, iyadoo qaarkood ay sitaan idan ama dabshid iyo foox, waxaana caadadan ay magaalada Muqdisho ka aheyd soo jireen mar kasta oo dayaxa la qabto.

Culimada Sayniska ee ku taqasusay arrimahan ayaa sheega in dayaxu uu Madoobaado marka dhulkan aynu ku nool nahay uu kala dhex galo qoraxda iyo dayaxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *