Gudoomiyihii gobolka Galgaduud iyo Walaalkiis oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Waxaa caawa xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Maxamed Sheekh Cali Cilmi , waxaana marxuunka lala dilay sida aan Wararka ku helnay Walaalkiis Xasan Sheekh Cali Cilmi.

Kooxo hubeesan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen Gaari uu la socdeen Gudoomiyihii gobolka Galgadiuud iyo Walaalkiis , waxaana halka uu dilku ka dhacay markii dambe gaaray Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee caawa la dilay ayaa la sheegay in mudooyinkan dambe uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana warar aan helnay sheegayaan in Gudoomiyaha uu la joogay Aabihii oo xanuunsanaa.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa u magacabay Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi 10-kii bishii Janaayo sanadkan 2017- , waxaana dilka masuulkan cambaareeyay masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *