Cali C/llaahi Cosoble Siyaad oo Maanta loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle

Musharrax Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad, ayaa loo Doortay Madaxweynaha Maauml-goboleedka Hir-shabeelle, kaddib Doorasho Goor-dhaw ka billaabatay degmada Jowhar, kaddib markii uu tartankan uu kaga adkaaday musharraxii la tartamayay.

XIldhibaannada Codeeyya oo tiradoodu ahayd 98-xubnood, ayaa waxaa 61 cod oo ka mid ah helay Cali C/llaahi Cosoble Siyaad, halka musharraxii xilka kula tartamayay oo ahaa; Maxamed Cabdi Waare uu helay 36-cod, waxaana xumaaday hal cod oo keliya.

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay tirinta codadka kaddib, in xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle uu ku guuleystay Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad.

Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen iyo Siddeeddii xubnood ee dhawaan loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, ayaa goobjoog ka ahaa doorashada ka dhacday degmada Jowhar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *