Xasuuqii ka dhacay magaaada Af-Urur warbixin ku saabsan

calmadowBosaso: Weerarkii gaadmada ahaa ee lagu beegsaday ciidammada, saraakiisha iyo maatada magaalada Af-Urur ee Gobolka Bari, ayaa waxa ka soo baxaya arrimo kala duwan. Gumaadkan oo lagu beegsaday beel ka mida beelaha Soomaaliyeed oo ku weydey ka badan 50 qof oo isugu jira askar, saraakiil, iyo maatoba, waxa ilo lagu kalsoonyahay caddaynayaan, in dhacdadan ay sabab u ahayd dayacaad ciidankaas soo wajahday iyagoo mushahar iyo agab aan mudda badan helin.

Iyadoo bil Ramadaan lagu jiro, ayaa sharwadayaasha Alshabab oo ku dhuumaalaysanaya Buuraha Calmadow waxay ku soo gudeen ciidankaas iyo shacabkii ku noolaa magaaladaas Af-Urur. Wax dhintay, wax dhaawaca iyo wax fara ku fakaday bay noqdeen dadkii halkaa ku noolaa.

Mashruuca barakicinta degaannada degmada Galgala ku xeeran, waa arrin ay si kala ulajeeddo duwan uga wada shaqaynayaan argagixisada Alshabaab, maamul Goboleedka Puntland oo dhul durugsi wada, iyo Somaliland oo iyadu ku ujeeddo ah Puntland.

Dhacdadaa xasuuqa ee xanuunka badan ayaa wasiirka amniga Puntland Mr. Qarjab idaacadaha ka waraysteen. Hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “argagixisada waan ka guulaysaney…annaga cidi nagama dhiman, ciyaal iyo dumar ayaa meesha ay ku laayeen,” ayuu yidhi taliye Qarjab si naxariis la’aani ku jirto.

Dadkii lagu xasuuqay meeshaas ayaa badi lagu aasay magaalada Ceeoldaahir.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey falkaa foosha xun. Halka maammulka Puntland ay ku qaadatay 3 casho ka badan inay xataa ka tacsiyeeyaan.

Ugu dambayn degaammada ayaa waxa ka socdaa dedaallo iyo gurmadyo isku tashi ah oo bulshada Reer Maakhir gudo iyo debed weer cas u xidheen, si looga sifeeyo argagixisada iyo kuwa garbeeya degaannada dhammaantood.

Waxa xusid mudan in sannadii 1993-kii argagixisadu horay hoy uga dhigatay Calmadow, lkn xoog dadka degaanku isaga soo saareen.

Waxa aynu dhawraaba waa falceliska dadka Reer Maakhir ee ku aaddan xasuuqii foosha xumaa ee lagula kacay dadkii Reer Af-Urur.

Waxa soo ururiyey Lasqoray.com News Desk Badhan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *