Shir Nabadeed oo Ka Furmay Tuulada Jiingada oo Shalay Agagaarkeeda dagaal ka dhacay

Tuulada Jiingada ee Gobolka Bari ayaa waxa gelinkii dame ee maanta lagu qabtay Shir Labo Geesood Ah oo xal nabadeed Loogu raadinayo dagaal shalay ka dhacay agagaarka Tuulada Jiingada.

Shirkan oo ay kasoo qeybgalleen Nabadoono,Cuqaal,Samadoono iyo Waxgarad kasoo kala jeeda Beelaha Dishiishe iyo Majeerteen ayaa maanta halkaasi ka dhacay,iyadoona la isku afgartay In Labo Ciidan oo deegaankaasi isku horfadhiya la kala qaado, markaasi ka dibna la isugu yimaado sidii dagaalkii deegaanka shalay ka dhacay Looga wada xaajoon lahaa.

Mid ka mid Nabadoonadii Shirka ka qeybgallay oo Warbaahinta Raadreeb.com la hadlay ayaa sheegay in maalinimada beri oo sabti dib la isugu imaan doono,isla markaasina tallaabada tan xigta la qaadi doono hadii eebe idmo.

Beelaha Majeerteen ee shirka maanta ka qeybgallay ayaa kala Ahaa Cismaan Maxamuud,Cumar Maxamuud,Ciise Maxamuud,Calisaleebaan,Ugaar Saleebaan,Ismaaciil Saleebaan iyo Cali Jibraahiil oo dhamaantood kasoo kala jeeda Gobolada Bari,Karkaar,Nugaal iyo Mudug,isla markaasina tuulada jiingada u yimid xal u helida dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Jiingada ee ay malayshiyaadkoodu kusoo duuleen.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa ciidamo Nabad ilaalin ah deegaanka keenay,ciidankaas oo ka yimid tuulada Af-Urur ee Gobolka Bari,walow odayaasha deegaanka Jiingada ay amar ku bixiyeen in Ciidanka Maamulka Puntland ay gebi ahaan deegaanka ka baxaan,iyagoona sheegay in hawshan ay ku filan yihiin odayaasha dhaqanka ee Labada dhinac majeerteen iyo dishiishe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *