Hoggaamiyaha Majeerteeniya oo Qandala ku tegey doon

Hoggaamiyaha Majeerteeniya Cabdiweli Gaas ayaa tuulada Qandala oo geeska gobolka Bari ku taalla doon ku tegey, halka Degamada Dhahar oo Qardho u jirta 10km weligii ma booqan. Cabdiweli Gaas oo ah nin qabyaaladi indha ka ridday, eexdana ku caan baxay ayaa ku mashquulsan sidii uu u kala baran lahaa tuulooyinka iyo jifooyinka qabiilkiisa.

Hore waxa Cabdiweli looga qoray “Laascaanood faataxo laguma qabsan, lagumana xoraynayo,” markii uu ku jirey tartanka doorashada. Xilligaa wixii ka dambeeyey wuxu meel walba la taagnaa “Sool iyo Sanaag waa dhul la isku haysto.”

Dadka reer Sanaag iyo Sool ayaa ah kuwa iyagu la rabo in la kala qaybiyo sidii Soolna Somaliland loo raacin lahaa, Sanaagna loo raacin lahaa Puntland.

Dadka degaannadan ayaa ah dad aan ku baraarugsanayn mustaqbalkoodu sida uu u xumaanayo, hadday sii daawadaan. Puntland waxay isugu biya shubatay Majeerteenia.

Lasqoray.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *