Dowladda Soomaaliya oo dalka ja ceyrisay madaxii Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee FAO

Jicmo, June, 16, 2017 (LOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in waddanka Soomaaliya laga saaro wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO Richard Trichard.

Richard Trichard ayey dowladdu ku eedeysay inuu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel uga dhacaysa hay’baddii iyo sharaftii wakiilnimo ee Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday wasaarrada arimaha dibada Soomaaliya islamarkaana ku soctay wakiilka QM Soomaaliya iyo hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan UNka ee FOA ayaa lagu soo gudbiyay cabashada dowladda Soomaaliya ee la xiriirta Richard Trichard.

‘’Wakiilka waxaa uu la yimid hab dhaqan iyo aqlaaq aad u liidata taa oo wax u dhintay xiriirka hay’adda FOA iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya.

Eedeymaha dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Trichard waxaa sidoo kale qeyb ka ah in uu muujiyay ixtiraam darro iyo hab dhaqan xad gudub ku ah saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiro.

Dhinaca kale Af-hayeen u hadlay Qaramada Midobay ayaa VOA u sheegay in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya dawladda iyo madaxda Qaramada Midoobay oo arrintan lagu xallinayo.

Dowladda Soomaaliya oo warqada soo saartay13kii bisha June ayaa ku ekeyd maanta ilaa haddana ma cadda in Mr Richard Trichard dalka iyo in kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *