(Dhagayso)Hub Aruursi Caawa Socda kadib Dagaal Xoogan oo ilaa Caawa Maqribkii ka Socay Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo Caawa waxaa ka socda Hub Aruursi iyo Abaabul Dagaal,

Dagaal ay galabtay soo qaadeen Maleeshiyaadka DFS & Galmudug ee duulaanka ku soo qaadeen magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, waxaana khasaare kala duwan uu ka dhashay dagaalkan.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya khasaaraha ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo dad shacab ah oo uu ku dhacay qori ay soo tureen Maleeshiyaadkan, waxaana la xaqiijiyey dhaawaca 3 qof oo la geeyey Isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil kamid ah ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland ayaa sheegay in ay maleeshiyaadkan isku dayeen in ay soo kala dhexgalaan labo cutub oo kamid ah ciidamada Difaaca ee Puntland, ayna ku sameeyeen Kaartada loo yaqaano Doc-wareen, balse ciidamadu ay fashiliyeen.

Hugunka Madaafiicda culus ayaa laga maqlayey guud ahan magaalada, waxaana caawa meel sare gaartay xiisadda colaadeed ee kajirta magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, iyadoo cabsi xoog leh ay taagan tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *