(Dhagayso) Siyaasi Cabdi Waal Oo ka shifay Dawlada Somaliya inay Ka Danbeeso Dagaalka Gaalkacyo

Siyaad Cabdi Nuur oo loo yaqaano Cabdi waal ayaa ka warbixiyay dagaalada ku soo noq noqday magaalada Gaalkacyo oo u dhexeeya Dowalda Puntalad iyo Maleshiyaadka Galmudug
Siyaasi Cabdi Nuur Siyaad ayaa sheegay in dagaalada aan kala joogsiga lahayn, ee ka jira Magaalada Gaalkacyo ay ka danbeeyaan Waddamo Shisheeye iyo Kooxo Soomaali uu ula jeedo Dowkada Somaliya.
Siyaasiga Cabdi Nuurre waxa uu carabka ku dhuftay in dadka ku wada dhaqan magaalada Gaalkacyo ay yihiin shacab is jecel, isku af, dhaqan iyo diin ah balse kooxo u shaqeeya dad cadaw ku ah jiritaanka ummada Soomaaliyeed ay colaad ka dhex u hurinayaan sida uu hadalka u dhigay.
Siyaasigu waxa uu sheegay in uu xiriir la sameeyay Odayaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo kala jeeda dhinayada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo kuwaas oo uu kala hadlay in ay ku baxaan islamarkaana ay isku taagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyin ka aloosan halkaasi.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *