DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan ayaa goordhaw lagu soo waramayaa in uu ka dhacay Isgooska Dabka ee Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan saldhiga booliiska ee Degmada Waabari.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay saldhiga booliiska Degmada Waabari, lamana oga qaraxa in uu ahaa mid gaari loo adeegsaday iyo in uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso.

Qaraxan ayaa ahaa mid laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, walina lama oga khasaaraha dhimadsho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxn.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa xiray ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida dowlada Soomaaliya, waxaa sidoo kale goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega kuwaa oo goobta ka qaaday dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *