DEG DEG: Gaalkacyo Ciidamo Hubaysan oo Gordhawayd La Wareegay Bangiga Dhexe

Ciidamo Gadoodsan oo ka cabanaya wax qabasho la’aan dhaawacyo iyo Mushaarkooda oo ay bilo waayeen ayaa qabsaday Bangiga dawladda Puntland ee Gaalkacyo.
Ciidanka ayaa sidoo kale xiray waddada gasha Garoonka diyaaradaha Cabdulaahi yuusuf waxaana ay ka kala gooyeen Ilinka hore ee Hotel Kamalu diin.
Dawladda Puntland ayaa ku guul daraysatay inay si joogta ah u bixiso mushaaraadka Ciidanka waxaana bangiga Garoowe dhawaan qabsaday Ciidinka PIA ee sirdoonka u qaabilsan Puntland kuwaas oo mushaar la aan ka cabanayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *