DAAWO QAAR KAMID AH WAXGARADKA IYO CUQAASHA BEELAHA SANAAG OO EEDEEYEY SULDAAN SICIID SULDAAN CABDISALAAN

Waxa isa soo taraya eedaha ka soo yeedhaya waxgaradka iyo cuqaasha beesha Warsangeli ee Sanaag iyo Haylaan. Cuqaasha ayaa sheegtay in Suldaan Siciid ku takri falay awooddiisa sida uu ka yeelay xubnihii beesha uga soo aaday aqalka hoose iyo kan sare ee Baarlammaanka Soomaaliya. Suldaan Siciid ayaa doorashadii 2012-kii sidaasoo kale lagu eedeeyey inaanu wax tashi ah cuqaasha beesha kala yeelayn qoondaynta kuraasta, isaga oo siiyey shakhsiyaad isaga ku qaraaba ah ama uu dhaqaale kaga qaatay sida warbixinta UN Monitoring group ee qoraalkan ku lifaaqan sheegtay. Warbixinta ayaa sheegaysa in ugu yaraan $50,000 lacag dhan Suldaanku ku iibsadey kuraasta mid ka mida 2012-kii.

Hoos ka daawo baaqyada waxgaradka Sanaag iyo Haylaan ay u jeediyeen beesha caalamka iyo dawladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *