Ciidanka amanka ee Ceelbuh oo shakhsi dembi lagu tuhmay qabtay

Waxaa  maalin  tii shallay   ee tarikh duhayd  30/6 /2017  ciidamadda  nabad sugidda ee  Degmada Ceelbuh ku qabteen   nin  kabaxsaday    magalada badhan  kaas oo lagu qabtay  meel u dhow Magaaladda  Ceelbuh   kadina   la keenay  Magaaalada Ceelbuh, iyadoo  loos oo gudbiyey  Jeelka magalada Badhan.

Ninkan ayaa lagu tuhmay inuu  khal-khal ku wado amaanka  iyo xasilloonida  gobolka,   ka dib  isaga oo   isku deyey inuu baxsado laakiin   isla markiiba  ciidammada ammaanka degmada ayaa ku qabtay  Ceelbuh.

Falkan mid  la mid ah  ayaa ka dhacay   habenkii  cawa   isla Magaalada   Badhan,  halkaas oo ay  ciiddanka nabad sugiddu ku qabteen  hal qof oo looga shakiyey  inuu lug  ku leeyahay   arimo ammaan  daro.

Arinkan  ayaa  ah  mid aan  ciidamada  ammaanka   iyo  masuuliyiinta Gobolku aanay  weli shaacin,

waxana  laga  dareemayaa  guud ahaanba  gobolka  hawlgallo isdaba Joog ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *