Badhan oo kacdoon ka dhan ah Alshabab ka socdo dhacdadii Af-Urur ka dib

Magalada badhan oo ah   magaalo kucaan baxday  nabad xasilooni  ayaa ayamahan waxaa laysla dhex marayaa   dhibatooyinka  kooxa argagixisada ah  ay kagaysteen  buuraha Galgala  taas oo aad u kicisay  shucuurta  reer maakhir ayna  kamuujiyeen walaac xooggan  dhanka  dowlada Puntland  toos aan kaqaban  gobolada sanaag doorkii ay kulahyd dowlada Puntland.

Guud ahaan dadka degaana ayaa ku jira abaabul iyo kicin. Magaalada caasimadda ah ayaa la ciirciiraysa shirar iyo wadaxaajood lagaga arrinsanayo xaaladda colaadeed ee ka sii dartay ee Galbeedka Gobolka Bari, siiba degmada Galgala iyo tuuluuyinka ay xukunto.

Tan iyo sannadihii 2006-dii ka dib dagaalkii dhex maray malayshiyadii Maxamed Siciid Atom iyo xukuumaddii Caddee Muuse ee Puntland, wixii intaa ka dambeeyey waxa kusoo dhuumanayey buuraha Galgala kooxo argagixiso ah oo lagu abuuray si maal loogu helo ama hadaf siyaasadeed lagu gaadho.

Waxa dhanka dawladda Fadaraalka ka socda dedaallo looga arrinsanayo xaaladda gobollada Sanaag iyo Sool si maammul loogu yagleelo maaddaaba maammulada Somaliland iyo Puntland ka dhigeen gobolladan dhul laysku haysto.

La soco qaybaha dambe….

Mushtaq Hassan

Badhan, Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *