Baarlamaanka Puntland oo shaaciyey maalinta ay dhacayso doorashada Aqalka sare

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta oo Axad ah isugu yimid Kalfadhi aan caadi ahayan ayaa uga hadley doorashada Aqalka sare ee Soomaaliya.

Kalfadhiga waxaa soo xaadirey 51 Xildhibaan oo kamid ah 66 Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Puntland leedahay, waxaana ay ku doorteen guddiga doorashada Aqalka sare u meteli doona Puntland. Golaha wakiilada ayaa soo bandhigey liiska rasmiga ah ee u tartamaya aqalka sare, kaas oo xubno laga bedalay. Xubnaha isbedalay waxaa kamid ah xubintii la tartameysey Saynab Xaashi Biixi, oo lagu bedalay laba gabadhood oo kale, kaas oo xaqiijinaya in qof haween ah kursigaas ku soo baxayo, sidoo kale waxaa liiskan ka maqan Mahad Cawad oo la tartamaayey Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan).

Liiska cusub ayaa noqonaya sidan:

1.Saynab Xaashi Biixi
Shukri Aadan Maxamed
Xaawo Caynab Cabdi.

2.Hodon Maxamuud Cismaan,
Basro Cumar Geele.

3. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,
Aamino Aadan Cabdullaahi.

4. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Farole
Cabdi Mahad Abshir Cismaan.

5. Siciido Xassan Cismaan.
Axmed Cabdala Tigaana,
Siciid Maxamuud Aadan,
Maxamed Maxamuud Cali Bile.

6. Cabdirisaaq Xassan Cismaan Juurile.
Hodon Ismaaciil Cilmi.

7. Maxamuud Axmed Maxamuud
Faadumo Siciid Maxamed.

8: Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan).
Maxamuud Cali Siciid,
Bootaan Bare Samatar.

9: Cabdixakiin Axmed Xaashi.
Mahad Daahir Sheekh Nuur.
Cabdulqaadir Faarax Shaaciye.

10: Cali Ismaaciil Cabdi Giir.
Shukri Cabdullaahi Maxamuud.
Farxaan Cali Xusseen.

11. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere.
Siciid Maxamed Cali.
Faarax Cawad Jaamac.

Liiska Puntland ayaa la aaminsan ugu yaraan in saddex gabdhood ay ku soo baxayaan tartanka, kuwaas oo laba boos oo kamid ah haween keliya ku tartamayaan.

aqlabiyadda

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ku dhawaqay Guddiga Doorashada Baarlamanka ,Goluhunu uu ku ansixiye cod aqlabiyad ah waana sidan :

  1. Xil: Saadiq abshir Garaad. Guddoomiye
  2. Xil: Cabdicasiis Siciid Maxamed. xubin
  3. Xil: Siciid Daahir Qodax. Xubin
  4. Xil: Farax Caydiid Casoowe Xubin.
  5. Xil: Cabdirisaaq Muuse Maxamed Xubin.
  6. Maxamed Cabdi Warsame. Xubin.
  7. Xil: Cabdidaahir Siccid Ciise. Xubin
  8. Xil: Raxmo Cabdixabiib Jaamac. Xubin
  9. SG: Cali Axmed Saalax. Xubin

Doorashada Xildhibaanada Aqalka ee Puntland ayaa dhacaysa maalinta Khamiista ah taariikhduna tahay 20/10/2016.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *