BAAQ NABADEED GUDDIDA SIYAASADDA EE MAAKHIR SOO SAARTAY IYO XUBNO CUSUB OO JAALIYADDA NAIROBI LOO DOORTAY

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

August 26, 2017

Ku: Maammul Goboleedka Somaliland

Ku: Maammul Goboleedka Puntland

Og: Dawlada federalka

Og: international community  

Og: and international NGOs

Ujeeddo: Dagaalka biya guduud iyo arrimaha degaamada Maakhir

Annagoo ah Jaaliyadda Maakhir ee Nairobi, Kenya kana soo jeeda gobolada Sanaag, Soool  iyo Bari (SSB), markii maanta oo Axada oo bisha  siddeedaad ay tahay 27, 2017-ka, ku qabsanay shirweyne magaalada Nairobi, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan sida: cuqaasha, culimada, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo dhalinyarada rag iyo dumarba, waxaanu baaq siyaasadeed iyo mid nabadeedba u soo jeedinaynaa maamul goboleedada hareeraha ka xiga  degaamada SSB ee ay  degto bulshaweynta reer Maakhir. Baaqan oo ku jeeda maamul goboleedka Somliland iyo maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo ku haya degaanka dhibaatooyin farabadan ay ka mid yihiin: cunaqabatayn siyaasadeed iyo mid bani aadanimoba, dil joogta ah iyo xasilooni darro, iska hor istaagid kaalmada bani’aadamka, iskudir joogta ah iyo kala qaybin ku lida bulshada midnimadeeda iyo amnigeeda sida– ku haynta Puntland ay ku hayso buuralayda Calmadow Al-shabaab  iyadoo ka dhigatay mashruuc layiraahdo ‘madhamaato’ kana soo gasho lacag farabadan oo ay kaga qaataan beesha caalamka. Waxaa u sii dheer intaa dhul boob, boobida khayraadka dabiiciga ah sida kaluunka xeebaha reer Maakhir iyo macdanta buuralayda Galgala oo ay u adeegsadaan hay,adda maafiyada ah ee Saresom, taas oo duqaymo badan ka geysatay degaanka dad iyo duunyoba ku xasuuqday in badan oo kaluumaysatana ku xidhxidhay kuwa badana ku laysay iyagoo xeebaha degaankooda ka kaluumaysanaya.

Sidoo kale maamulka Somaliland oo degaanka ka wada khalkhal nabad gelyo darro ah  iyo sheegasho beena iyo iyadoo ku taageerta degaamada SSB Al-shabaab fadhido, oo ay ku taakulayso saad, saanad iyo ciidanba taas oo ay joogtayso taakulayntooda si aan dadkaas iyo degaankaasi u helin nabad iyo nolol xasiloon kuna soo jeediso indhaha aduun weynaha una tusto inuu yahay degaankaasi hoyga argagixisada iyo iyadoo rabta inay dadkaas iyo degaankaas ku sandulayso goonni goosiga Somali diidnimada ah kuna salaysan cunsurinnimada iyo kala goynta bulshada Somaliyeed taas oo ku cad argtidooda siyaasadeed ee u degsan,dhibaatooyinkaas awgood waxaan rabnaa inaan halka baaq uga jeedino .

Waxaan si buuxda u cambaaraynaynaa ugana soo horjeednaa ahna waxaan la qaadan karin, tegitaanka mujrim Muusa Biixi tegay degaamo ka mida degaamada SSB ee reer Maakhir waxaan cambaaraynaynaa isaga iyo intii horkacaysay oo waddey iyo inta degaankaas ku soo dhoweysay oo sharafta iyo karaamada reer Maakhir meel kaga dhacday. Waxaan u sheegaynaa tegitaankii mujrim Muusa Biixi tegay Hadaaftimo ay tahay mid keentay xusuusta odayaashii cuqaashii uu kulaayey Hadaaftimo iyo Xingalool, mujrim muusa biixi inay u tahay xusuus agoomihii uu laayey aabayaashood, ayna dadka ka barteen inay ka dhigan tahay tegitaanka mujrim Muusa Biixi ee Hadaaftimo, xaalad colaad abuurid ah. Waxaan uga digaynaa mujrim Muusa Biixi inaanu mar labaad ka abuurin  degaanka gobolka Sanaag colaad qabiil waxaan uga digaynaa inuuu  burburiyo nabaddii sannada badan ay ku caana maaleen  bulshada reer Sanaag ee degaanku ka dhexeeyo kuna heshiiyey wada noolaansho nabadeed.

Annagoo ah Guddiga Siyaasadda gobollada SSB Maakhir waxan soo jeedinaynaa qodobbadan:

  1. In dagaalka Biyo-Gaduud si shuruud la’aan ah loo joojiyo, si deg deg ahna loo hawl geliyo isimmada ka soo jeeda labada beelood ee Nuux Cumar iyo Naalaye Ahmed, kana shaqeeyaan nabadaynta beelaha iyo xal u  raadinta dhibaatooyinkan soo noqnoqnaya.
  2. Waxaan ka codsanaynaa in tanaasul iyo cafis ay la yimaaddaan labada beelood ee dhibtu dhex martay.
  3. In si degdeg ah ciidan loo sameeyo goboladda SSB ee dagaaladdu ka dhacayaan, maammul ay ku midaysan yihiinna laga hirgeliyo  iyo in shirwayne ay isugu yimaadaan Siyaasiyiinta waxgaradka, aqoonyahanka,isimada,dhalinyarada,iyo haweenka oo dhan is loogu hawl galo in xal waara ka gaaro, arimaha isku hayaan Puntland iyo Somaliland ee goboladda SSB saameeyey.
  4. In Dawladda Faderaalka iyo  Beesha Caalamka dhegaysataan oo tixgeliyaan codsiga, baaqyada iyo cabashooyinka ka imaanaya bulshadeenna gudo iyo dibad, sida muuqata ee haysata reer Maakhir.
  5. In dawladda Fadaraalku sugto ammaanka inta ay ka hirgelinayaan maamulka la dhisi doono waqtiga dhow waxna laga qabto qorshaha dawladda soomaaliyeed ay ka leedahay mustaqbalka iyo midnimada Soomaaliyeed.
  6. In dawlad federaalka waajibka ka saaraan dhammaan bulshadeeda ayan ka gaabin ee gudato sida dastuuriga ah. Gacan waafi ahna ku siiso dhamaystirka maammulka si uu u dhammaado khilaafkan oo soo jiitamayey mudo dheer  muddadii dawlad la’aanta.
  7. In waxgaradka, culima awdiinta, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dhalinyaradda iyo haweenku u  hawl gaalan, bulshadii dhextagaan si ay ugu wacyi geliyaan dhibatooyinka lagu hayo deegaankooda ayna ka qayb qaataan dhisme dawlad goboleed ay ayagu leeyihiin.
  8. Waxaan u mahad celinaynaa beelihii u gurmaday in ay xabaalaan meydkii dadkii ku nafwaayey dagaalkaas iyo cuqaashii isku dayday in la kala badbaadiso dadkaas walaalaha ah.
  9. In dabagal lagu sameeyo (inquiry) sababtii ay ku dhacday in dawladu wax ka qabanweydo arintaan isku dhaca ah oo socotay mudo labo bilood ah, hayd’adii (Government Department) xilkaas hagratayna masuul ka noqota wixii dhacay, si loo fuliyo cahdigii ay ugu dhaarteen in ay ugu adeegaan mawaadinka reer Puntland, loogana fogaado in arintaan oo kale markale dhicin.

Sidoo kale waxaa uga digaynaa inuu dhibaato ka abuuro deegaanka SSB Muuse iyo ragga la midka ah ayna ka waantoobaan dhul durugsiga SNM ay ka waddo gobollada ay degan yihiin beelaha aaminsan midnimada Soomaaliyeed iyo wanaagga wada jirka Ummadda Soomaaliyeed.

GABAGABO

Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan bulshada Maakhir in ay ilaashadaan midnimadooda gacanna ku siiyaan dawladda Fadaraalka dhisidda maammulka iyo sugidda amniga.

WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Guddiga Siyaasadda Maakhir, Faraca Nairobi, Kenya

Email: maakhircouncil@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *