BAAQ Madaxweynaha Jubbaland ay u dirayaan beelaha Sanaag iyo Haylaan, arrinta kuraasta lagu soo xawilay Jubbaland

Ku: Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland

Ku: Dawladda Fadaraalka ee Soomaaliya

Ku: Masuuliyiinta Xafiiska UN Soomaaliya, AU, IGAD, iyo Beesha Caalamka

Ku: Madasha Qaranka Soomaaliyeed

Og: Maamul Goboleedka Puntland

Og: Guddiga Qurba-Joogga Jubbaland, North America

Annagoo ah waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka, gudaha iyo dibaddaba, waxan horay warbaahinta ugu soo bandhignay dareenka aan ka qabno qaabka foosha xun ee Puntland Madaxweyneheedu u qaybiyey kuraasta aqalka sare oo ka koobnayd 11. Iyadoo kuraastaa gobollada Sanaag iyo Haylaan lagu ismay 1 kursi, halka gobolka Mudug oo wax badan ka yar Sanaag, ka helay kuraasta marka lagu daro dhanka Galmudug illaa 6 kursi. Waxa taas wehelisa, in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ku tagri fal labaad ku samaynayo kuraasta aqalka hoose, isagoo kursi dadka reer Sanaag u igamadeen ruux muuq iyo miisaan ku leh, loo soo wareejiyey Jubbaland, qofkii isagu la rabayna meesha sii tegey. Kursigan ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan hore looga codsaday, haddiiba kursigan dadka magacooda lagu ismay ee beesha Warsageli ka soo jeeda ee Jubbaland deggan, in tartan lagu galo, qofkii beeshu kursigaa ku magcawday oo ah Xildhibaan Caasha Cabdalla si xunbaa loola dhaqmay, loona diidey, qaabbilaad iyo soo dhoweyn iska daaye inay xataa ku tartanto kursigaa.

Xildhibaanad Caasha Cabdalla waxay ka mid ahayd dadkii dedaalka weyn u soo galay hirgelinta dhisiddii Dawlad Goboleedka Jubbaland. Axmed Madoobe maanta kursiga uu ku fadhiyo door weyn bay ku lahayd, si isqaqabisigii jirey ee xukunka meesha looga saarana, xildhibaanadda iyo siyaasiyiin kale oo fara badan oo reer Nairobi ah, waxay dhexda u xidheen in marnaba aan wax khilaafi dhicin. Annagoo haddaba taa og, kuna cambaaraynayna sida foosha xun ee loo dhaqmay, waxa cad, in Axmed Islaan, arrintii Gaas ayuu qaatay wuxuna sheegay in kursigan qof lagaga soo qoray Puntland. Arrintaas oo meel ku dhac ku ah bulshada ku dhaqan gobollada Sanaag iyo Haylaan, oo horayna kuraastoodii dad loogu xalaaleeyey.

Waxa xusid mudan, in horay looga digay Gaas iyo Axmed inaanay ku talax tegin kuraasida Sanaag iyo Haylaan iyo gobollo kaloo horay uga cawdayba. Arrintaa foolxumadeeda leh waxan ugu baaqaynaa in Axmed Islaan war naga soo siiyo, waxan kale oo uga digaynaa inaanu ku kadsoomin jallaafooyinka siyaasiga ah iyo faragashiga arrimaha ka baxsan Jubbaland. Arrintan waxay dhalin kartaa cawaaqib xumo sababi karta isku-qas la isku qasayo labada maammul, taasoo aakhiritaanka soo celin karta dhibaatooyinkii horay uga dhici jirey Jubbaland.

Waxan ugu baaqaynaa Madaxweynaha Jubbaland in dib loogu soo celiyo kursigan Sanaag, annagay noo taal cidda ku habboon ee noo metelaysa Baarlammaanka Soomaaliya, ee aan kursiga siin doonno. Waxan kaloo jawaab kaga rabnaa inuu raalli gelin ka bixiyo xumaantii lagula kacay Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla. Labadaas arrimood waxan jecelnahay inuu naga shaafiyo, haddii kale waxa iman doonta inaan kalsoonida kala laabanno Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, oo aan wax badan ku eegannay caddaalad darrooyin fara badan oo uu kula kacay beesha waaxda Jubbaland ka deggan, annagoo xeerinayney wada jirka, xasilloonida, caqabado ka tallowga, kana baaqsannay inaan ka qayb ahaanno is xagxagashada iyo xusulduubka loogu jiro ‘sed bursi beeleedka.’

Waxa qoraalka ku lifaaqan baaqyadii muuqaalka ahaa ee waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha Sanaag iyo Haylaan siiyeen warbaahinta.

Mahadsanidin.

Xafiiska xiriiriyaha gobollada Sanaag iyo Haylaan ee Fadaraalka

Email: xamargale1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *