Baaq: Aqoon-yahanka iyo waxgaradka reer Maakhir oo digniin u diray taliska SNM

nosomaliland

Shir aan caadi ahayd oo ay isugu yimaddeen aqoonyahka, waxgaradka iyo culimada reer Maakhir ee qaaradda Waqooyi America ayaa digniin loogu diray xukuumadda Somaliland ee Waqooyi Galbeed-SNM. Odayaasha iyo waxgaradka iyo culimada ayaa ka digaya cawaaqib xumada ka dhalan karta, in xukuumadda Somaliland soo geliso waxay ku sheegaan sanaaduuqda doorashada Gobolka Sanaag iyo Haylaan (Gobollada Waqooyi Bari, Soomaaliya), waxan kale oo uga digaynaa inay si dhakhsa ah uga laabtaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay ka wadaan degaammadayada.

Waxan shacayb weynaha Maakhir (Waqooyi Bari, Soomaaliya) ugu baaqaynaa in gacan bir lagala hortago hagardaamooyinka ay taliska SNM iyo marabbidoodu ka wadaan degaammadeenna guud ahaan; la diido sanaadiiqda doorashada xaaraanta ah ku suntan, ciidammaduna meel walboo ay joogaann difaac u galaan in cag la soo dhigin degaammadeenna.

Waxan Dawaladda Fadaraalka iyo Caalamka ogaysiinaynaa wixii dhibaata ah ee ka yimaadda, in masuuliyadda wixii khasaara ah ee ka dhasha iska hor imaad, in Siilaanyo iyo maammulkiisu masuuliyaddeeda tuurta u ridan doonaan.

Waxa xusid mudan in maammulka Waqooyi Galbeed ee Soomaali diidka ahi, marar badan isku deyey inay gobolladayada iyo degaammadayada xoog iyo dhuumaalaysiba ku soo galaan. Waxa hore aan u fashilinnay isku dayo badan oo hujuun ahaa: kii Dhahar ka dhacay 00/04/2007 ee 10-ka wasiir lagu qabtay baa ka mid ahaa, kii sannaddii hore ee Boodda Cadde taliyihii ciidanka SNM ku qudhbaxay baa isna ka mid ahaa. Waxan xasuusinaynaa cid walba oo degaammadayada ku soo xad gudubta inay kala kulmi doonaan, guul darradii ay horay ugala kulmi jireen mid ka daran.

Soomaali horay horay hadal u dhammaysay, ‘nabad baa naas la nuuga leh,’ waxannu ugu baaqaynaa maamulka Axmed Siilaanyo inuu ka fiirsado dhaqdhaqaaqyada gardarrada ah iyo sanaadiiqda sida dhuumashada ah dhulkayaga loo soo gelinayo, inay dib ula laabtaan, oo meelaha iyaga laga ayidsanyahay geystaan.

Annagu Soomaaliya baannu nahay, qarankayagu waa Soomaaliya, calanka buluugga ah ayaa calan noo ah, dawladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysalwasaare Xasan Cali Khayre ayaannu ayidsannahay.

Wabillaahi Tawfiiq

Guddoonka Guddiga Maakhir ee Waqooyiga Amerika

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *