Al-Shabaab oo soo bandhigay sawirada weerarkii degaanka Af-Urur

2017617636332687604116934af-urur4
Sabti, June, 17, 2017 (LOL) –Xarakadda Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawirada weerarkii todobaadkii hore ay ku qaadeen saldhiga ciidamada military-gga maamulka Puntland ee degaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Sawirada ayaa faafaahin ka bixinayay bur-bur xooggan oo saldhiga ka muuqda iyo gawaari gubanaya. Kooxda Al Shabaab ayaa todobaadkii hore sheegatay in weerarka degaanka Af-Urur ay ku dileen 61 askari oo ka tirsanaa maamulka Puntland.

Degaanka Af-Urur, waxaa uu ka tirsanyahay Buuraleeyda Galgala, halkaas oo muddo ay saldhigyo ay ku leeyihiin Al Shabaab. 23-ka bishii April Al Shabaab ayaa Buuraha Gal-gala ku dilay 8 askari oo ciidamada maamulka Puntland ka tirsanaa.

Af-Urur ayaa ah degaan qiyaastii 60 miles dhinaca koonfur-galbeed kaga began magaala xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa beeniyay in weerarkii Al-shabaab ee Degaanka Af-urur looga dilay ciidamo tiro badan, islamarkaana laga qabsaday saldhigii ciidamadda ee Af-urur.

Wasiirku, wuxuu sheegay in ururka Al-shabaab ay dad rayid ah oo isugu jira odoyaal iyo haween ay ku laayeen tuuladda Af-urur, balse ayan jirin ciidamo tiro badan oo laga dilay dhinacooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *