Akhriso war-murtiyeed laga soo saaray hishiis hor dhac ah oo ay gaareen Puntland iyo Galmudug

Mas’uuliyiinta labada dowlad gobolleed Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis hordhac oo lagu soo afjarayo colaada Gaalkacyo ku gaaray magaalada Abu Dubai, waxaana hishiiskan goob joog ka ahaa madaxda dowlad gobolleedyada dalka.

Qodobada labada maamul ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in xabada la joojiyo, islamarkaana dadka ku barakacay dagaalka Gaalkacyo dib loo soo celiyo lana furo wadda hadal lagu dhameynayo wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya labada dhinac.

Mas’uuliyiinta labada dowlad gobolleed ayaa kala saxiixday hishiis hor dhac ah oo ugu yaraan wax ka tari kara soo afjarida colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxaana ka mid ah qodobada leysku afgartay :

1. In Xabad joojin labada  islamarkaana labada dhinac si deg deg ah u dhaqan galiyaan.
2. In la joojiyo dhamaan wixii abuuraya colaada taas oo la’isu mariyo hawadda.
3.In ay dib uga soo laabtaan dhamaan dadka ka barakacay magaaladda Galkacyo.
4.In  labada  dowlad  goboleed  soo  magacaabaan guddiyo isku  dhaf  ah  oo  ka shaqeeya si xal waara looga gaari lahaa khilaafkan soo noqnoqday.
5.In  kulan deg deg  ah  oo  lagu  soo  afjaro  khilaaf -kan la isugu  yimaado
Magaaladda Kismayo 20ka Bishan Noofeembar,2016.

Dalka isku taga imaaraadka Carabta waxaa xiligan ku sugan guud ahaanba mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada qeybta ka ah dowladda dhexe, kuwaa oo halkaa wadda hadallo kula leh mas’uuliyiin ka tirsan isku taga imaaraadka Carabta oo ay ka wadda hadlayaan arrimo la xiriira doorashada 2016ka iyo maaligalin Imaaraadku ugu talagalay maamul gobolleedyda dalka.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug C/wali Max’ed Cali Gaas iyo C/kariin Xusseen Guuleed, ayaa qeyb ka ah madaxda dowlad gobollleedyada halkaa ku sugan,  waxaana hishiiskan hor dhaca ah uu imanaya xilli hishiis kan la mid ah horay hogaamiyayaashan u saxiixeen, laakiin ay ka danbeeyeen dagaallo dad badani ku dhinteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *