AKHRISO: Sideedda Xubnood ee ku Guuleysatay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Qaybta Jubbaland

Arbaco, Oktoobar 19, 2016 (HOL) —Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamanka federaalka Soomaaliya qeybta Jubaland, ayadoo ay ku tartamayeen ilaa 16 Musharax.
Doorashadan oo ahayd mid qarsoodi ah oo mudaneyaashu ay codkooda ku ridayeen sanduuq ayaa waxay ay xubnaha ku tartamayeen kuraaska 8-da ah ee aqalka sare ee laga doonayay Jubaland, waxaana isla goobta ay gudiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ay ka sheegayeen xubnaha ku guuleystay kursiga.

Sideedda xubnood ee ku guuleystay doorashadii maanta ayaa kala ah:

Xasan Faarax Xujaale
Axmed Xaashi Maxamuud
C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
Moowliid Xuseen Guhaad
Axmed Macalim Cumar Axmed
Axmed C/xafiid Maxamed
Iftiin Xasan Baasto
Faadumo Xasan Aadan (Gariyeey)
Dhawaan ayaa la filayaa in sidoo kale la gudo galo doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *